AKHRISO:- Mareykanka oo dacwad kusoo oogay dad ay Soomaali kujiraan oo lagu helay musuq maasuq

0

Wasaaradda Caddaaladda Maraykanka ayaa warbixin ay shalay soo saartay eedo ugu jeedisay 47 qof oo lagu eedeeyey inay lunsadeen 250 milyan oo dollar oo aheyd lacag loogu talagalay quudinta carruurta ay dhaleen dadka danyara ah intii lagu jiray xanniibadihii COVID-19.

Wasaaradda ayaa sheegtay in lacagtan la lunsaday ay tahay mid ay dawladda Federalka ee Maraykanku ku bixisay barnaamijyada quudinta ee xiligii uu xanuunka COVID-19 uu halka ugu daran marayey.

Garyaqaan Amiin Harun oo ka hawlgala gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka oo ka hadlay dacwadaan ayaa sheegay in qaar kamid ah dadka dacwadda lagu soo oogay ay lacagtii u isticmaleen si aan aheyn sidii loogu talogalay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dadka dacwadda lagu soo oogay aysan aheyn 47 qof kaliya, balse Wasaaradda Caddaaladda Maraykanka ay qorsheyneyso in dad kale ay dacwad kusoo oogto.

Horaanti sanadkii hore ee 2021 ayay soo baxday in dad Soomalai ay kujiraan ay ku kaceen musuq maasuq la xiriira inay lunsadeen lacago loogu talo galay quudinta carruurta ay dhaleen dadka danyara ah intii lagu jiray xanniibadihii COVID-19.