AKHRISO:- Madaxweyne Qoor Qoor oo ugu baaqay Baarlamaanka Galmudug inay ka qeyb qaataan la dagaalanka Al-Shabaab

0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye( Qoor Qoor) ayaa ka hadlay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda degaannada Galmudug iyo doorkooda ku aadan Madaxda iyo Hay’adaha kala duwan ee dowlad Goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha oo hadal ka jeedinayay xeritaanka Kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanla Galmudug ayaa sheegay in Baarlamaanka Galmud aysan xilligaan fasax geli Karin, isla markaana ay u taallo mas’uuliyad culus oo ah ka qeyb galka howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay in looga baahan yahay Xildhibaannada Galmudug inay tagaan furumaha dagaalka ee degaan doorashadooda, si ay qeyb uga noqdan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab, sidoo kalena wixii ay hayaan ay ku bixiyaan.

Ugu dambeyn Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ugu baaqay Xildhibaannada Galmudug inay waqti kasta ku bixiyaan sidii degaannada ay Galmudug ka joogaan Al-Shabaab looga saari lahaa.

Hadalka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye( Qoor Qoor) ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli howlgallo ka dhan ah ururka Al-Shabaab ay ka socdaan degaano badan oo katirsan Galmudug, isla markaana Ciidamada dowladda ay la wareegeen degaano dhowr ah.