AKHRISO:- Dalal ay Soomaaliya ku jirto oo la sheegay in afartii ilbiriqi ee kasta hal qof uu gaajo u dhimanayo

0

Hal qof ayaa lagu qiyaasay in uu gaajo u dhimanayo afartii ilbiriqsi kasta dalal ay Soomaaliya ka mid tahay, iyada oo in ka badan 200 oo iskugu jira hay’adaha aan dowliga aheyn iyo ururrada gargaarka ee caalamka ay ka digeen dhibaatadan Talaadadii, iyagoo ku boorriyay tallaabo caalami ah oo go’aan looga qaato si loo soo afjaro dhibaatada gaajada ee caalamka ku sii fideysa.

Warqad furan oo ay kula hadlayeen hoggaamiyeyaasha adduunka oo isugu yimid New York oo ay kaga qeyb galayaan shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa 238 urur oo ka kala socda 75 waddan, oo ay ku jiraan Oxfam, Save the Children iyo Plan International ku muujiyeen sida ay uga xun yihiin heerka gaajada cirka isku shareertay.

Waxay bayaanka ay soo saareen ku sheegeen in 345 milyan oo qof ay hadda la il daran yihiin gaajo daran, tiradaas oo laba jibaarantay tan iyo sanadkii 2019-kii.

“In kasta oo madaxda caalamkunay ballan-qaadyo ku sameeyeen in aan marnaba la oggolaan karin macluul qarnigan 21-aad, haddana macluul ayaa mar kale kusoo fool leh Soomaaliya, adduunka oo dhan 50 milyan oo qof ayaa qarka u saaran inay macluul u dhintaan 45 waddan,” ayay yiraahdeen ururadan.

Waxa ay tilmaameen in dad gaaraya 19,700 oo qof lagu qiyaasay inay maalin walba gaajo u dhimanayaan, waxaana ay sheegeen in taasi ay ka dhigan tahay in afartii ilbiriqsiba hal qof uu gaajo u dhinto.

Voa Somali