AKHRISO:- Xukuumadda Soomaaliya oo War cusub kasoo saartay howlgallada ka socda Gobolada dalka

0

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Warsaxafadeed waxaa ay kasoo saartay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo gobolada dalka ay ka wadaan Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dadka degaannada oo is abaabulay, kuwaas oo la dagaalamay Ururka Al-Shabab.

War Saxaaadeedka oo ka kooban laba bog ayaa marka 1aad waxaa loogu mahadceliyayAlle, iyada oo sidoo kale loo hambalyeeyay Shacabka Soomaaliyeed ee gartay in ay lama huraan tahay in si wadajir ah loola diriro Ururka Al-Shabaab oo dhibaatooyin kala duwan ku haaya.

Sidoo kale Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa bogaadisay ciidamada xoogga dalka ee kujira furimaha hore, kuwaas oo dagaalka adag kula jira Al-Shabaab, Isla markaana degaano badan ka saaray.

“Qof walba oo maanta xabbad ku ridaayo argagaxisada waxa uu qaadanayaa kaalin
taariikhi ah oo ay xusi doonaan jiilasha soo socdo,k acdoonka bulsho ee maanta ka socdo daafaha dalka oo dhan, Hiiraan, Galgaduud,
Mudug. Shabeelada dhaxe, Baay iyo Bakool iyo deegaannada kale ee iyaguna dagaalka Al-Shabaab u bir-tumanaayo waxa ay muujineysaa in dagaalka Argagaxisada uu galay marxalad cusub oo ka duwan wixi horay u jiri jiray oo dhan, ayna muuqato in Shacabka Soomaaliyeed go’aan ku qaatay in uu difaacdo sharaftiisa karaamadiisa iyo diintiisa ayaa lagu yiri” Warka Wasaaradda.

Qoraalka Wasaaradda Gaashaandhigga oo aad u dheer ayaa sidoo kale waxaa lagu yiri” Waxaan aad u jecel nahay in wiilasha argagaxisadu soo qaladday aysan naga laqmanin, oo
ay Al-Shabaab kasoo goostaan kana soo tagaan si ay noogu badbaadaan mustaqbalkana ay qeyb uga noqdaan hurumarka aan hiigsaneyno, sidoo kalena dhammaan waalidiinta dhalay caruurta ay qaldayaan aan ugu naxariisaneynayaa in ay wiilashooda badbaadsadaan kuna qasbaan in ay isaga soo baxaan argagixisada una soo laabtaan waalidintooda iyo walaaladooda.

Ugu dambeyn Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa si gaar u bogaadisay siyaasiyiinta, ugaasyada, duubabka, nabaddoonada, culimada, iyo aqoonyahanka dhexda u xirtay halganka ka dhanka ah Al-Shabaab
Kacdoonkana ka bilaabay dalka oo dhan, kaas oo horudhac u ah guluf ciidan oo aad
u ballaaran, oo lagu ciribtiri doono Al-Shaaab meel walba oo ay dalka kaga sugan yihiin.