AKHRISO:- Maxkamadda Ciidamada & Taliska Booliska oo War kasoo saaray dilal ka dhacay Muqdisho

0

Iyada oo saacadihii la soo dhaafay dilal la xiriira aanooyin qabiil ay kaga dhaceen degmada Kaaraaan ee gobalka Banaaadir ayaa laamaha ammaanka soomaaliya waxa ay shir deg deg ah ka yeesheen arintaas.

Shirka oo ka dhacay degmada Kaaraan ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii loo dhameyn lahaa dilalka la xiriira aanooyinka qabiil ee ka dhaca degmada waxaana kulanka goob joob joog ka ahaaa Taliyaasha Salldhigyada Qeybta Bari ee gobalka Banaadir, Afhayeeenka Ciidanka Booliiska, Xeer ilaaliye ku xigeenka Maxakamada Ciidamada qalabka sida iyo Maamulka degmada oo uu ugu horeeyo gudoomiye Abshir Kaaraaan.

Shirka ayaa laga soo saaray go’aano la xiriira sidii ay dhacdooyinka nuucaan ah aysan u soo laaban lahayn waxa ayna dhinacyadu isku raaceen in howlal lagula dagaalamayo kooxaha amniga qal qalgelinaayo laga bilaabo degmada sidoo kalena sharciga lamarsiindoono dadka ku howlan arimaha nuucaan ah.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Saadaq Doodisho oo faah-faahiyay u jeedka kulanka waxa uu sheegay in laamaha ammaanka ay la xisaabtami doonaan dadkii ka dambeeyay dilalka saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degmada Kaaraaan.

Sidoo kale xeer ilaaliya ku xigeenka maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Dhamme Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa sheegay in dhacdooyinka nuucaan oo ay geystaan ciidamada dowlada ay ku soo laa laabteen gobalka Banaadir gaar ahaan degmada Kaaraan waxa uuna lamaha Ammaanka faray in si deg deg ah ay Maxkmada u hoorkeenaan si sharciga loo marsiiyo.

Dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Degmada Kaaraan ee gobalka Banaadir ayaa waxaa lagu dilay Saddex Qof ,waxaana dilalkaasi ay la xiriiraan aanooyin qabiil, iyadoona dadka degan degmada Kaaraan ay qaati ka taagnaayeen kooxo burcad ah.