AKHRISO:- Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay Xubno katirsan Al-Shabaab

0

Ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan Guutada 5aad & ddadka degaanka ee is abaabulay ayaa hawlgal ay ka sameeyeen Buuraha Camal oo qiyaastii 20km u jirta degaanka Halgan ee gobalka Hiiraan ayaa la sheegay inay ku dileen 5 Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo faah faahisay howgalka ayaa war kasoo baxay waxaa lagu yiri”

Ciidanka Xoogga oo ku raad joogay Xubno katirsan Al-Shabaab oo looga soo adkaaday dagaaladii ka dhacay gobalka oo ay iska kaashanayeen ciidanka qaranka iyo dadka deegaanka ee lagu xoreeyay deegaano badan ayaa sameeyay hawlgalkani si loo ciribtiro kuwa baxsadka ah ee lagu jabiyay dagaalka.

Ciidanka Dowladda & dadka degaanka ayaa wali wada hawlgallo is daba joog ah ka wada Gobolka Hiiraan si loo wiiqo awooda ay gobolkaas kulahaayeen Al-Shabaab, sida lagu sheegay warka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

“ Ma jirto waddo aan ahayn inay isa soo dhiibaan oo u furan dhalinyarada ay ay qaldeen, Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa dadkeeda waxaa ka go’an in ay soo afjarto AlShabaab.