AKHRISO:- Heshiis horudhac ah oo laga gaaray beelo ku dagaalamay Gobolka Galgaduud

0

Odayaasha Dhaqnka & waxgaradka dhinacyadii ku dagaalamay deegaanka u dhaxeeyo degmada Xeraalle iyo ina Gabbile ayaa yeeshay kulankii Koowaad ee looga hadlaayo xal ka gaarista dagaalkii degaanka ka dhacay ee geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Kulanka waxaa sidoo kale Goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Degmada Cabudwaaq Faarax Cabdille Xasan, Saraakiil katirsan Ciidamada dowlada & Xildhibaanad Raysal Qorane oo ka mid ah Mudanayasha Galaha Shacabka iyo mas’uuliyiin kale.

Intii uu kulanka socday ayaa Odayaasha Dhaqanka dhinacyadan oo dood dheer ka yeeshay xalka xiisadihii dhalisay gacan ka hadalka ayaa isku raacay Qadobo dhiig joojin u ah Bulshada deegaanka, kuwaas oo kala ah.

1- Xabad joojin aan sharuud Gooni ah lugu xirin oo laga hirgaliyo degaanka.

2- Kala qaadida Maleeshiyaadka dirirtu dhex martay maadaama wali ay isku horfadhiyaan deegaanadii lugu dagaalamay.

3- Qabashada Shir wayne looga hadlayo waxyaabaha keenay Gacan ka hadalka taasi oo Guddoomiyaha degmada Caabudwaaq uu sheegay in la dhigayo Degmada Caabudwaaq 25 Bishan.