AKHRISO:- Madaxweyne Xasan oo gaaray London

0

Hogaamiyayaasha caalamka ayaa waxa ay gaarayaan magaalada London kahor aaska boqorad Elizabeth, kaas oo dhici doona Isniinta berrito ah.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud ayaa kamid ah madaxda halkaa gaaray, halkaas oo lagu soo dhaweeyay, iyadoo la casuumay illaa 500 oo hogaamiye dal iyo wufuud ajaanib ah.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa maalmahan ku sugnaa Mareykanka.

Madaxda kale ee ku sugan London waxaa kamid ah, madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, madaxweynaha Hindiya, ra’iisal wasaarayaasha dalalka Canada, Australia iyo Newzealand.