AKHRISO:- Taliska Nabadsugida gobolka Gedo oo Saraakiisha ciidamada Itoobiya kala hadlay amniga xaduudaha

0

Taliyaha Hay’ada Nabadsugida Gobolka Gedo, Cabdiraxmaan Cabdulaahi Aadan Bakaal Kooke ayaa shir gudoomiyey. Shirka xoojinta amniga iyo iskaashiga nabadgalyada degaannada xaduudka labada dal ee Soomaaliya & Itoobiya gaar ahaan Degmooyinka iyo Degaanada Gobolka Gedo uu la leeyahay Dowlad degaanka Soomaalida

Shirka waxaa goobjoog ka ahaa qaar ka mid Saraakiisha howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ee ka socda Itoobiya. Taliyayaasha laamaha amniga Doolow Soomaaliya, Dollo-Addo, Boholgaras Gedweyne Qoneey. iyo saraakiil kale

Sidoo kale Masuliyiin uu ka mid yahay Wasiir ku xigeenkii wasaarada Arimaha gudaha Jubaland, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Maamulka Gobolka Gedo, Maamulka Degmada Dolow Somaliya Boholgaras Qooneey Gedweyne ayaa ka qeyb galay shirka

Gabagabadii Shirka ayaa waxaa la isla qaatey qodobadan hoose

1.in shir amni la yeesho labadi I todobaad mar

In la sameeyo guddi isku dhaf ah oo xaliyo khilaafka wali ka taagan deegaanad koorey iyo boholgaras
3.in xiriir joogta ah laga yeesho arrimaha amniga xaduudka si looga hortago khatarta amni ee imaan karta