AKHRISO:- Shir deg deg ah oo la isugu yeeray Golaha Wasiirada Cusub ee Soomaaliya

0

Waxaa Caawa kulan deg deg ah la faray inay isugu yimaadaan Golaha Wasiirada cusub ee Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, kaas oo noqonaya kulanki ugu horreeyay oo ay yeeshaan.

Maalmo ka hor ayaa waxaa soo geba-gaboobay xil wareejinta Dhammaan Wasiirada Soomaaliya, waxaana laga sugayaa inay guda galaan qabashada Shaqooyinka horyaalla.

Waxaa horay u qorsheysneyd in Golaha Wasiirada ay shirkooda u horreeyay yeeshaan maalinta Khamiista, balse lama oga shirkan degdega ah waxa looga hadli doono.