AKHRISO:- Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Shabeellaha Hoose & faah faahin laga helayo

0

Diyaarado dagaal oo loo maleeynayo in ay leedahay dowladda mareykanka ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay duqeymo diyaaradeed ka geysteen degaano hoostaga degmada Awdheegle oo katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana duqeymahaas ka dhashay khasaaro kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in diyaaradaha dagaalka ay beegsadeen goobo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan ururka Al-Shabaab oo kuyaalla meel u dhow Tuulada Nuungare oo hoostagta degmada Awdheegle balse asyan xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay.

Xogaha la helay ayaa sheegaya in duqeymaha qaarkood lagu burburiyay Mootooyin ay lahaayeen xubno katirsan Al-Shabaab, iyada oo dadka degaanka duqeynta ay ka dhacday ay sheegeen inay siwyen u maqlayeen dhawaqa madaafiicda duqeynta.

Dowladda Soomaaliya iyo saraakiisha Ciidamada ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaan weli ka hadlin duqeynta diyaaradeed ee ka dhacday gobolkaas iyo khasaaraha ka dhashay.

Mareykanka ayaa dhawaan dib u bilaabay dqueynta uu ka fulin jiray Soomaaliya, waxaana dhawaan laba duqeyn oo ka dhaday degaano katirsan gobolka Hiiraan lagu sheegay in lagu dilay 14 Xubnood oo katirsan Al-Shabaab.