AKHRISO:- DFS oo sheegtay in Al-Shabaab ka saareen degaannadii ay ka weerareen dowlad degaanka

0

Taliyaha Ciidanka lugta ee xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Maxamed Tahliil Biixi oo ku sugan jiida hore ee dagaalka ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in guulo waaweyn laga gaaray howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Gobolka Hiiraan.

Taliyaha ayaa u mahad celiyay dhammaan Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka, maleeshiyaadka macawiisleeyda & Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo siwadajir ah howlgalka uga fuliyay degaannada hoostaga degmooyinka Matabaan & Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Taliyaha oo sii hadlayay ayaa sheegay in Ciidamada dowladda ay ku guuleysteen inay Al-Shabaab ka saaraan degaannada katirsan Gobolka Hiiraan ee laga weeraray dowlad degaanka Soomaalida, sida degaannada, Teedaan, Bacda, Coomaad, Hees iyo degaano kale.

Ugu dambeyn Taliyaha Ciidanka lugta ee xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay inay sii socon doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa laga saarayo degaannada ay kaga sugan yihiin Gobolka Hiiraan.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa bilihii la soo dhaafay howlgallo xoogan ka wada degaano katirsan Gobolka Hiiraan, iyaga oo la wareegay degaano hoostaga degmooyinka Matabaan & Maxaas, halkaas oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab