AKHRISO:- Soomaaliya oo Ururka Islaashiga Islaamka kala hadleysa gurmadka Abaaraha

0

Ergeyga Gaarka ee madaxweynaha dalka Somaaliya u qaabilsan arrimaha abaaraha iyo gargaarka Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa booqasho shaqo ku tagay dalka Sacuudi Carabiya, iyada oo halkaasi siweyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga ayaa waxaa Magaalada Jiddah kusoo dhaweeyay Ergayga joogtada ee Soomaaliya u Ururka Iskaashiga Islaamka, qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Sacuudiga iyo Madax kale.

Ergeyga Gaarka ee madaxweynaha dalka Somaaliya u qaabilsan arrimaha abaaraha iyo gargaarka Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ujeedka safarkiisa waxaa uu ku sheegay inay tahay sidii wadamada carbeed loo gaarsiin lahaa sida Dadka Soomaaliyeed u saameeysay.

Abaarta wuxuu sheegay in arrimaha Gurmadka Abaaraha uu kala hadli doono Xoghayaha joogtada ah ee Ururka Iskaashiga Islaamka iyo madaxda dalka Sacuudiga si ay qeyb weyn uga qaataan gurmadka loo sameeynayo dadka ay saameeysay abaarta xilligaan kajirta meelo badan oo dalka ah.

Soomaaliya Melo kamid ah ayaa waxaa xilligaan kajirta abaar xoogan, waxaana Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha uu wadaa dadaalo uu Caalamka ugu soo bandhigayo abaarta kajirta Soomaaliya.