AKHRISO:- Madaxweyne Qoor Qoor oo sheegay in Galmudug u baahan tahay xasilooni Amni & mid siyaasadeed

0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa sheegay in dad Reer Galmudug ay u baahan yihiin waxkasta oo keeni kara in uu horumaro Maamulkooda.

Wuxuu sheegay in dal waliba ama degaan kasta markii la doonayo in la maalgashado laga fiiriyo xasiloonidiisa siyaasadeed, Isla markaana reer Galmudug u baahan yihiin xasilooni siyaasadeed & mid amni.

Sidoo kale wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray Madaxweyne Qoor Qoor in dadka looga baahan ay noqdaan kuwa u hoggaansama sharciga si Galmudug ay u noqoto meel dadka ku kalsoon yihiin.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Galmudug wuxuu sheegay in dadka wax heysta uu ugu baaqayo inay u soo gurmadaan dadka walaalahoida ah ee abaartu ku heysato degaannada Maamulka Galmudug.

Hadalkan ayaa Madaxweyne Qoor Qoor wuxuu ka sheegay munaasabad lagu xusayay 16 sano guuradii kasoo wareegtay Aas-aaskii Maamulka Galmudug, taas oo lagu qabtay Magaalada Cadaado