AKHRISO:- laamaha Amniga Magaalada Jigjiga oo gacanta ku dhigay Nin dil geystay

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jigjiga ee Xarunta dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in Xaafada 17aad ee magaalada Jigjiga uu ka dhacay dil loo geystay nin lagu magacaabi jiray Cabdi Ismaaciil.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dilka Ninka loo adeegsaday masaar ama Faas, oo looga dhuftay qeybaha Sare ee jirkiisa, isla markaana Hay’adaha Amniga Magaalada jigjiga ay gacanta ku dhigeen ninkii dilka gaystay.

Wararka la helay ayaa sheegaya in Ninka la dilay iyo kan wax dilay uu soo kala dhex-galay khilaaf sababay gacan ka hadal kaas oo ugu dambeyn keenay in mid kamid ah ragga Masaar lagu dilo.

Ciidamada Ammanka dowlad degaanka Soomaalida ee Magaalada Jigjiga ayaa wada baaritaano la xiriira sababaha keenay in labada raga ah ay dagaalamaan, waxaana Ninka dilka geystay ee la qabtay la geeyay Saldhiga Booliska ee magaalada Jigjiga.

Ninka la dilay ayaa ahaa Soomaali ka shaqeeya dhismaha guryaha, halka wararka qaar ay sheegayaan in ninka loo haysto dilka marxuumkaasi in maskaxiyan uusan caafimaad qabin oo uu xanuunsan yahay, hayeeshee baaritaan uu ku socdo.