AKHRISO:- Xildhibaan horey uga tirsana Barlamaanka Puntland oo Garoowe ku geeriyooday

0

Gen. Cabdicasiis Siciid Gacamey (Baduugaaye) oo xilal kala duwan ka soo qabtay Puntland ayaa goordhaweyd ku geeriyooday magaalada Garoowe.

Geerida Gen. Baduugaaye waxaa Allgalgaduud u xaqiijiyay qaar ka mid ah eheliisa, oo sheegay in uu u geeriyooday xanuun uu dareemayay maalmihii la soo dhaafay.

Marxuum, Cabdicasiis Siciid Gacamey wuxuu ka mid ahaa 8-dii xildhibaan ee baarlamaanka Puntland hadda jira laga saaray, kaddib markii ay mooshin ka keeneen heshiiska dekedda Boosaaso.

Dowladdii Cabdiraxmaan Faroole ayuu ka soo noqday wasiir ku-xigeenka amniga, halka uu dowladdii Gen. Cadde Muuse ka soo qabtay taliyaha booliska iyo xilal kale.