AKHRISO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ergayga Gaarka ah ee ururka EAC

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Cabdisalaam Hadliye Omer Ergaygay Gaarka ah ee madaxweynaha ee ururka Bulshada Bariga Afrka ee EAC, sida lagu sheegay qoraal kusoo baxay bogga Twitterka ee rasmiga ah ee madaxtooyada.
Cabdisalaam Hadliye ayaa horay Soomaaliya uga soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bishii hore magaalada Arusha ee dalka Tanzania, uga qeyb-galayo shirka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), waxaana uu sharraxaad ka bixiyay sababta ay Soomaaliya u dooneyso inay uga mid noqoto ururkaas.

“Madaxweynaha ayaa ahmiyad weyn siinaya kor u qaadidda dhaqaalaha dalkeenna iyo xoojinta in Soomaaliya ay wax badan ka dheefto iskaashiga dalladdan, taas oo shacabka Soomaaliyeed u saamaxaysa inay ka faa’idaystaan fursadaha dhaqaale ee ay abuuri karto ka mid noqoshada Bulshada Bariga Afrika (EAC),” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Somalia.