AKHRISO:- Dagaal ka dhacay Gobolka Hiiraan & faah faahin laga helayo

0

Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ku dhexmaray degaanka Xalfooleey oo hoostaga degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan maleeshiyaad katirsan Kooxda Macawiisleeyda iyo Xubno kamid ah Ururka al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay sida la sheegay kadib markii maleeshiyaadka macawiisleeyda ay weerareen degaanka Xalfooleey , waxaana dagaalka labada dhinac kasoo gaaray khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Mid kamid ah horjoogayaasha macawiisleeyda ayaa sheegay in ay Al-Shabaab kala wareegeen degaanka, Isla markaana khasaaro ay ku gaarsiiyeen dagaalkii ay la galeen wallow aan weli la helin warar madax bannaan oo xaqiijinaya warkaas.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Xalfooleey oo hoostaga degmada Jalalaqsi ayaa sheegaya in xaaladu ay tahay mid degaan, balse markasta la filan karo inay dagaalamaan dhinacyada maleeshiyaadka Macawiisleeyda iyo Al-Shabaab.