AKHRISO:- Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo xilka la wareegay

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshisiinta Mudane Ahmed Moallim Fiqi iyo Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Jen.Mukhtaar Xuseen Afrax.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Sida howlkarka ahayd ee u soo hoggaamiyey Wasaaradda.

Waxaa kula dardaarmay wasiirka cusub in looga fadhiyo shaqo culus, maadaama Wasaaradda ay ahmiyad gaar ah u leedahay Hay’adaha kala duwan ee Dowlada.

Waxaa uu sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha la hoos keenay arrimaha gargaarka loogana baahan yahay dardargalin xooggan.