AKHRISO:-Madaxweyne Xasan Sheekh oo baaq u diray Xukuumadda Somaliland iyo Mucaaradka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa baaq ku saabsan xasilloonida, nabadda iyo wadajirka ay ku tilmaaman yihiin u diray hoggaanka siyaasadda iyo bulshada Soomaaliland.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay muhiim tahay ilaalinta badqabka dadka.

Waxaa uu ugu baaqay mucaaraadka iyo xukuumadda in ay garaan xal deg deg ah oo ku aadan sidii loo qaban lahaa doorasho ama loo gaari lahaa xal looga baaqsan karo banaanbaxyada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Odayaasha dhaqanka degaanada Somaliland ka dalbaday in ay ka qeyb ka noqdaan xal u helida khilaafka xukuumadda iyo Mucaaradka.