AKHRISO:- Madaxweyne Deni oo amar kusoo rogay Wasaaradda Waxbarashada Puntland

0

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Amar Madaxweyne ku joojiyay in la iibiyo buugaagta Manhajka Waxbarashada dusgiyada sare ee Puntland.

Madaxweynaha ayaa sheegay dib loo eegayo si loo saxo khaladaadka jira hadda iyo lacagta lagu iibsanaayo ee cabashada lacagta buugaagta lagu iibsanayo.

Madaxweynaha ayaa faray Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland, in la fuliyo amarkan laga billaabo maanta 13 August 2022 illaa amar danbe.