AKHRISO:- Madaxweynaha Hirshabeelle oo gudoomiyay shirka tiirka siyaasadda loo dhan yahay

0

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta gudoonshay shirka guddi hoosaadyada Golaha Wasiiradda ee Tiirarka Siyaasadda loo dhanyahay, Amniga iyo Cadaaladda.

Kulankaan ayaa looga hadlay xaqiijinta nabad galyada Caasimadda oo wax badan laga qabtay iyo Howlgalada lagu baacsanayo Kooxaha argagixisada ee ka socda degmooyinka Matabaan iyo Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay Dardargalinta qaab dhismeedka Hay’addaha Garsoorka, dib u howlgalinta iyo geeddi socodka dhismaha Golayaasha Deegaanka.

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay dhamaan Guddi hoosaadyada Golaha Wasiiradda iyo Howlwadeennada Madaxtooyda ee Tiirarka Siyaasadda loo dhan yahay iyo Amniga iyo Cadaaladda oo aad isugu howlay qabsoomida shirkaan iyo dabagalka fulinta qodobada lagu balamay.