AKHRISO:- CXDS oo sheegay degaano ku yaalla Hiiraan in ay kala wareegeen Shabaab

0

Ciidanka Dowlada Soomaaliya oo weli wada howlgalka ka dhanka ah ururka Al Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ,Saraakiisha ciidanka Xoogga Dalka , NISA &Booliska dowlad goboleedka Hirshabelle sidoo kale Dadka degaanka oo is Abaabulay ayaa qeybka ah Hawlgalka dib u Xoreynta Gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Howlgalkan ayaa lagu baacsanayo Al-Shabaab oo dhibaato Xoogan ku haysay Shacabka ku dhaqan Gobolka Hiraan, waxana laga tilmaami karaa Falalka ay gestaan Gubida Guryaha ay dagan yihiin shacabka, Ceelashii ay biyaha ka cabi jireen iyo Ateenooyinka isgaadhsiinta.

Saraakiisha Ciiidamada & Masuuliyiinta Maamulka Hiraan ayaa sheegay in Guulweyn laga gaaray Hawlgalka ka socda gobolka Hiiraan.

Waxaa kaloo sheegeen in ku dhawaad 10 degaan ay kala waregeen Shabaab, kuwaasoo u dhaxeeya degmooyinka Matabaan iyo Maxaas.