AKHRISO:- Puntland oo ka shirtay dhameytirka doorashada qof & cod

0

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa aqalka Madaxtooyada kulan kula qaatay qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Puntland, Bulshada rayidka ah, Guddiga Doorashooyinka Puntland, Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Tamarta, Macdanta iyo Biyaha.

Kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Puntland, gaar ahaan dardargelinta hannaanka Doorashooyinka Puntland ee hal qof iyo hal cod sidii loo dhamaystiri lahaa Golaha deegaanka inta ka hartay.

Guddoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland (TPEC) Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa Madaxweynaha & Bulshada rayidka ah la wadaagay warbixin guud oo ku saabsan halka ay marayso shaqadda Guddiga Doorashooyinka waxaana uu madasha kusoo bandhigay warbixin dhameystiran taas oo iskugu jirta waxqabadka Guddiga, qorayaasha, iyo fursadaha hada ee ku aadan sida dadka reer Puntland diyaar ugu yihiin hannaanka asxaabta badan.

“Puntland waxaa ka go’an hirgelinta hanaanka Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland ee hal qof & hal cod, sanadkii tagay ayaa waxaa lagu guulaystay hirgelinta iskudaygii kowaad ee tijaabada 3 degmo taas oo dad waynuhu soo doorteen Xildhibaanada Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Eyl, Qardho iyo Ufayn, waxa dhammaan degmooyinka Puntland laga qaban doona doorashada Goleyaasha deegaanka, Guddiga ayaa dhawaan bilaabi doona diiwaan gelinta dadweynaha waxaana hada si habsami leh uga socota wacyi-glinta dhammaan gobolada iyo degmooyinka Puntland ayuu yii” Guddoomiyaha

Ugu danbeyntii Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dhegaystay aragtida Ururada Bulshada madasha ka qayb-galay sida kale waxa uu sheegay in Puntland ay ka go’an tahay hirgelinta hannaanka Puntland u guurtay ee shacabku kusoo dooranayaan Madaxdooda.