AKHRISO:- Muuse Biixi oo ka hadlay banaanbaxyada & mucaaradka oo sheegay inay sii wadayaan

0

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si kulul uga hadlay banaanbaxyadii rabshadaha watay oo shalay Xisbiyada mucaaradka iyo taageeraayaashooda ay ka dhigeen Magaalooyinka Somaliland, kuwaas oo geystay dhimasho iyo dhaawac.

Muuse Biixi waxaa uu markii hore u tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay bananbaxyada, isaga oo sidoo kale caafimaad u rajeeyay kuwa ku dhaawacmay, wuxuuna sheegay in talo xumo ka timid qeyb kamid ah dadka Somaliland ay banaanbaxyadaas u dhaceen.

Wuxuu dusha ka saaray Madaxda Xisbiyada mucaaradka ah ee UCID & WADANI khasaaraha ka dhashay dibadbaxyadii shalay, isaga oo sheegay inay mas’uul ka yihiin

Madaxweynaha Somaliland oo sii hadlayay wuxuu sheegay in ay jiraan wax badan oo u qarsoon Xisbiyada mucaaradka oo uu sheegay inay diidan yihiin Ururrada la diiwaangeliyay.

“Xisbiyada UCID iyo WADDANI waxa u qarsoon oo aanay dadka u sheegayn oo ay dagaalka iyo fidmada u gelinayaan, yeynaan la tartamin ururrada immika la diiwaangeliyey oo sharci ah oo weliba labada nin ee WADDANI isku wareejiyey markii ay xilka hayeen iyagu ahaa kuwii abaabulay ee sharcigaa saxeexay.” ayuu yiri Muuse Biixi.

Dhinaca kale hoggaanka Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa sheegay inay sii wadi doonaan bananbaxyada ka dhanka ah Xukuumadda ilaa iyo inta Madaxtooyada ka bilaabeyso doorashada Madaxweynaha Somaliland.