AKHRISO:- 5 Ruux Soomaali ah oo ku geeriyooday shil Gaari dalka Koonfur Afrika

0

Shilka Gaari ayaa waxaa uu ka dhacay wadada N4 ee isku xirta magalooyinka Nelspruit Iyo Pretoria ee dalka Koonfur Afrika, waxaana shilkaas ku dhintay 5 Ruux oo Soomaali ah.

Shilka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Gari yar oo ay wateen 5 Ruux uu dulmaray Gaari nooca xamuulka qaado ah, waxaana dadka ku dhintay ay kala yihiin, Hooyo, Gabar ay dhashay & Saddex Carruur & Saddex qof oo kale.

Ciidamo katirsan Booliska Koonfur Afrika iyo dadweyne kale oo Soomaali ah aya ku baxay goobta uu shilka ka dhacay, kuwaas oo goobta ka qaaday meydadka dadka shilka ku dhintay.

Mid kamid ah Soomaalida kunool Goobta uu shilka ka dhacay ayaa sheegay inay aad uga naxeen dhibaatada ku dhacday dadkaas, isla markaana Maalinta berito ah la aasi doono.