DEG DEG: Ciidanka Itoobiya oo la wareegay Garoonka diyaaradaha Doolow Soomaaliya

0

DEG DEG: Kumanaan Askari oo katirsan ciidanka Itoobiya ayaa la xaqiijiyey in ay galaan gudaha gobalka Gedo ee Jubbaland, kuwaas oo la wareegay sida ay ilo wareedyo xaqiijinayaan Garoonka diyaaradaha ee Doolow-Soomaaliya, kaas oo ahaa Halbowlaha ay ka dagaan duulimaadyada aada Gobalka Gedo.

Gobalkan ayaa muhiimad weyn ugu fadhiya cida gacanta kuhaysa, waxaana la aaminsan yahay in uu Udub-dhexaad u ahaa khilaafyo siyaasadeed, dhawaana Agaasimaha NISA Mahad Salaad & Madaxweyne Xassan Sheekh ay ka wada hadleen sidii gacanta loogu dhigi lahaa, iyadoo loo marayo siyaasiinta kasoo jeeda Gedo ee kasoo horjeeda maamulka hadda kajira.

Sidaas oo kale ciidamada Itoobiya, ayaa dhaqdhaqaaq ciidan ka bilaabay gobalada Baay, Bakool iyo Hiiraan, waxaana wararku sheegayaan in ay qaadayaan howlgal ay ku doonayaan in dhammaan deegaanada Xaduudaha ay lawadagan-Soomaaliya ay kaga fogeeyaan kooxaha Argagixiso.

Wafdi kasocda Itoobiya ayaa todobaadkii hore tagay Baladweyne, Hargeisa & Baydhabo, iyagoo kuwajahan hadda Puntland.

Laftagareen ayaa maalinkii 2-aad wada hadal laleh Dawladda Itoobiya oo ay ka wada hadlayaan Iskaashiga labada dhinac.