AKHRISO:- Soomaaliya & Uganda oo ka wada hadlaya kordhinta la-dagaalanka Al-Shabaab

0

Wafdi uu hoggaaminaayo Wasiirka Magacaaban ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa gaaray Magaalada Kampala ee Caasimadda Dalka Uganda.

Wafdiga oo ay qeyb ka yihiin Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Janeraal Odawaa Yuusuf Raage, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xasan Maxamed Saciid Samatar & Xubno kale ayaa dalka Ugdanka ugu qeyb-galaya shirka Iskaashiga Difaaca Ee Soomaaliya iyo Uganda.

Shirka ayaa looga hadli doonaanaa Arimo la Xiriira iskaashiga Labada Dowladood gaar ahaan arimaha Difaaca iyo dagaalanka Al-Shabaab iyo Daacish oo dagaal kula jira Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Uganda ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS.

Wafdiga Wasiirka Magacaaban ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa ay kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaan dhiggooda dalka Uganda, iyaga oo kala hadli doona xoojinta & dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.