AKHRISO:- Madaxweyne ku-xigeennada Jubbaland iyo Galmudug oo qaadacay Golaha Wasiirada Magacaaban

0

Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa siwadajir ah u qaadacay Golaha Wasiirada Cusub ee uu dhawaan magacaabay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Warsaxaafadeed Wadajir ah oo ay Maanta soo saareen Madaxweyne kuxieennada Maamulada Jubbaland iyo Galmudug ayaa waxaa ay ku sheegeen in kulan gaar ah oo ay ku yeesheen Aalada Fogaan araga ay kaga tashadeen aayaha beesha ay kasoo jeedaan ee degta degaannada Jubbaland, Galmudug, Itoobiya iyo Gobolka Banaadir.

Waxaa ay sheegeen in Xukuumadda Cusub ee uu soo dhisay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre loou xadgudbay awood qeybsiga Beelaha Daarood, isla markaana ay qaateen o’aan ah inay midoobaan ayna tashadaan.

Sidoo kale labada Madaxweyne kuxigeen waxaa ay ku baaqeen in la isugu yimaado shir ay uga tashanayaan caqaabdaha horyaalla iyo quursi ay sheegeen in lagu sameeyay Beeshooda.

Ugu dambeyn shirka ayaa ay ku casuumeen labada Golle ee Baarlamaanka, Xukuumadda, labada dowlad goboleed, Odayaasha Dhaqanka iyo siyaasiyiinta Beeshooda, isla markaana ay si deg deg ah ku magacaabi doonaan Guddi isku-dhaf ah oo ka soo shaqeeya xilliga uu dhacayo shirka iyo halka lagu qabanayo.