AKHRISO:- Guddoomiyaha Barlamaanka JFS oo la kulmay Wasiiradda kasoo jeeda Konfur galbeed

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa caawa hoygiisa ku qaabiley Wasiirada magacaaban ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya islamarkaana kasoo kasoo jeeda dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubaland.

Guddoomiyaha ayaa xubnahan wasiirada ah ee magacaaban ugu hambalyeeyay mus’uuliyada loo magacaabay,isagoo u rajeeyay inuu alle u fududeeyo howlaha adag ee sugaya,waxa uuna kula dardaarmay in ay si daacadnimada ah oo ay wadaniyad ku dheehantahay ugu adeegaan dalka iyo dadka.