AKHRISO:- Booliska oo Muqdisho kusoo bandhigay burcad dhac geysatay

0

Taliska booliska gobalka banaadir ayaa soo bandhigay Gaari kuwa raaxada ah oo xaafadda Daalo ee degmada Howl wadaag looga dhacay dad shacab ah 22-bishii la soo dhaafay iyo raggii dhacay oo daba gal badan kadib gacanta lagu soo dhigay .

Taliyaha Booliska degmada Hawl wadaag Najiib Carab ayaa sheegay in raggaan burcadda ah xiliga ay dhacaayeen gaariga ay iska dhigeen laamaha amniga iyaga oo istaagay goob barkoon torool u ahayd ciidanka oo gaadiidka lagu baari jiray markii uu istaajiyay wiilka waday kadibna ay gaariga kala wareegeen.

Waxa uu sheegay in mudo ay ku raad joogeen gaarigaan iyo ragii dhacay kadib ay ogaadeen in lagu haayo xaafaddo buula maaxaay ee degmada kaaraan ayna u gudbiyeen xogta Taliska booliska qaybta bari howlgal wada jir ah oo ay sameeyeen kadibna ay ku guuleysteen in gacanta lagu soo dhigo gaariga iyo burcadii dhacday.

Taliyaha qabta Bari Cali Goofjooge oo ku hadlaayay afka Taliyaha Qabta guud ee Booliska gobolka banaadir ayaa waxa uu sheegay in magaalada Muqdisho ay kajiraan shabakado isku xeran oo ka shaqeeya dhaca iyo dhibaateenta shacabka ayna tilaabo adag ka qaadi doonaan .

Waxa uu tilmaamay in ay jiraan guryo lagu keydiyo hantida laga dhaco shacabka asigoo madaxda dowladda ka codsaday in ay soo saaraan go’aano la xariiro guryaha lagu keydiyo hantida dadka laga soo dhaco ee kagu qabto ay naqanayaan hanti qaran doladdana ay la wareegayso.

Dhowrkii Bilood ee la soo dhaafay ayaa Magaalada Muqdisho waxaa kusoo batay Kooxo burcad ah iyo ciyaal weero dhac geysanaya, waxaana Ciidaada Booliska Soomaaliya ay sameeynayaan howlgallo looga hortagayo burcadaas.

Inta badan degmooyinka gobalka banaadir ayaa mudooyinkii dambe waxa kajiray burcad hubaysan oo dadka shacabka ah dhac ugaysanaya habeen iyo maalin kuwaa marba marka ka dambaysa soo xoogaysanaya.