AKHRISO:- Wafdi ka socda QM oo kala hadlay Mas’uuliyiinta xafiiska RW Dib u eegista Istaraatiijiyadda

0

Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Raiisul Wasaaraha, Mohamed Abukar Zubeyr ayaa maanta qaabilay masuuliyiin ka socday Qaramada Midoobay xafiisyadooda New york iyo Muqdisho, Ian Martin oo hoggaamiya Qaybta Dib u eegista Istaraatiijiyadda iyo James Swan oo ah Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Q.M.

Waxay ka wada hadleen sida hawlaha iyo taageerada xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu siiyo dowladda loola jaangoyn lahaa barnaamijyada xukuumadda cusub ay ahmiyadda siin doonto.

Kulamada waxaa goobjoog ka ahaa La taliyeyaasha XRW ee Amniga Kamal Gutale, Xiriirka Caalamiga Dr Hodan Cismaan iyo Arrimaha Dib u Heshiisiinta Cali Cabdi Awaare.

Xubnaha ka socday Q.M. ayaa markii dambe salaan sharafeed iyo hambalyeyn ugu tagay Ra’iisul Wasaare Xamse oo shalay ku dhawaaqay Golaha Wasiirrada cusub.