AKHRISO:- Somaliland oo shaacisay inay tallaabo ka qaadeyso dadkii banaanbax dhiga

0

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa shir gudoomiyey kulan ku saabsan xoojinta Amniga, Isu xogwaraysi, wada shaqaynta laamaha kala duwan ee Amniga, maamulka Degmooyinka Hargeysa iyo Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland.

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay in kulanka ujeedadiisu ahaa adkaynta nabadgelyada, taasoo ah mid ay markasta u xilsaaran yihiin laamaha ammaanka ee kala duwan, isla markaana loo baahan yahay in har iyo habeen u is is taagaan ilaalinta nabadgelyada Shacabka.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa faray Hay’adda amniga in ay tallaabo ka qaadaan cidkasta oo isku dayda in ay waxyeelayso ama khalkhal geliso xasiloonida iyo nabadgelyada Somaliland , taasoo ku timid dedaal iyo naf hurnimo.

” Cidkasta oo isku dayda in ay amniga wax u dhimaan iyaga oo ku soo dhuumanaya Mudaharaad sharci darro ah tallaabo sharci ah ayaa laga qaadayaa,wixii ka yimaadana waxaa qaadaya masuuliyadeeda ciddii soo abaabushay ayuu yiri” Wasiirka.

Ugu dambeyn Wasiirka ayaa Shacabka ugu baaqay in ay kala shaqeeyaan Ciidamada nabadgelyada, kana fogaadaan cidkasta oo wada dhibaato lagu waxyeelanayo nabadgelyada iyo jiritaanla Somaliland.