AKHRISO:- laamaha Amniga Gobolka Nugaal oo la faray adkeynta Amniga

0

Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud ayaa socod la xiriira dhanka u kuurgelida Amniga ku maray waddooyinka Garoowe si uu bulshada ula qaybsado farxada 24 sano guurada Aas aaska Puntland.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal ayaa kormeer ku maray suuqyada Caasimadda si uu u ogaado siday bulshada ugu diyaar garoobeen 1da AUG oo ku beegan maalintii dhidibada loo taagay Puntland.

Taliyaha ayaa bulshada gobolada, degmoyinka, degaanada iyo miyiga ugu hambalyeeyay maalinta farxada badan ee la Aas aasay Puntland.

Taliyaha qaybta booliska Nugaal ayaa sido kale Sarakiisha, Sarakiil xigeenada iyo Ciidamada booliska gobolka Nugaal maalintan bulshada reer Puntland ku wayn ugu hambalyeeyay isagoona sido kale faray in bulshada loo dhimriyo shaqo adagna looga bahan yahan in la qabto.