AKHRISO:- Baarlamaanka Ciraaq oo maalintii labaad gacanta ugu jira mudaharaadayaasha

0

Taageerayaasha wadaadka awoodda badan ee Shiicada Ciraaq, Muqtadda al-Sadr ayaa u muuqda kuwo maalmaha soo socda sii deganaan doona xarunta baarlamaanka ee dalka Ciraq, kadib markii ay xalay habeenkii labaad halkaasi ku hoydeen. Qaar badan oo ka mid ah mudaaharaadayaashan ayaa taandhooyin ka dhistay banaanka hore iyo gudaha xarunta baarlamaanka.

Dhinaca kale wasaaradda difaaca ee dalka Ciraaq ayaa ugu baaqday ciidamada milateriga ee dalkaasi, inaanay ku milmin siyaasadda oo dhex-dhexaad ka noqdaan xaaladaha siyaasadeed ee haatan ka aloosan dalkaasi.