AKHRISO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar soo xiray Ciidamo katirsan xoogga dalka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta tababar waxaa uu uu soo xiray Xerada Ciidamada Turkisom ee magaalada muqdisho Saraakiil iyo Saraakiil xigeena katirsan Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed.

Munaasabadda tababarka ciidamada loogu soo xirayay waxaa Madaxweynaha ku wehlinayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish), taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed janeral Xijaar iyo Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda xilgaarsiinta Cabduqaadir Maxamed Nuur ( Jaamac).

Saraakiisha Tababarka loo soo xiray ayaa soo bandhigay gaardis ay ku muujinayeen Awoodooda iyo Xirfadooda ku aadan sida ay uga go’an tahay in ay dhiigooda iyo naftooda u huraan difaaca Qaranka iyo badbaadinta Ummada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dowladda turkiga uga mahad celiyay tababarka ay siisay Ciidamada xoogga dalka, wuxuuna saraakiisha kula dar daarmay in wixii ay soo barteen uga faa’iideeyaan Saraakiisha ciidamada kale.

Wuxuu ku booriyay in saraakiishu ay u diyaar garoobaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo looga xureynayo degaannada ay weli kaga sugan yihiin Gobolada dalka Soomaaliya.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish ayaa qaar kamid ciidanka tababarka loo soo xiray gudoon siiyay shahaada sharaf ay ku muteesteen kartidooda iyo da’daalkii ay muujiyeen mudadii ay tababarka kujireen.