AKHRISO:- 32 qof oo ku dhintay dab si ula kac ah loo kiciyay dalka Madagascar

0

Ugu yaraan 32 qof ayaa lagu dilay Waqooyiga caasimadda Madagascar, kadib markii burcadda loo yaqaan “Dahalo” ay dab qabadsiiyeen guryo, sida ay sheegtay xogta wasaaradda gaashaandhigga, waxaana dilka ka dhacay degmada Ankazopi oo 75 kiilo mitir dhanka waqooyi kaga beegan caasimadda Antananarivo, habeen hore ilaa Jimcihii.

“Dadka halkan jooga waxa ay la kulmeen musiibo dhab ah. 32 qof ayaa dhintay, waa dambi ay geysteen arxanlaawayaal burcadda Dahalo oo nolosha ku gubay dumar iyo carruur,” ayuu wasiirka gaashaandhigga Jeneral Richard Rakotonirina ku sheegay muuqaal la soo galiyay bogga Facebook-ga wasaaradda goor dambe oo Sabtidii ah.

“Dahalo” ayaa ah kooxo dambiilayaal ah oo abaabulan oo ka jira qaybo ka mid ah Madagascar, kuwaas oo xoolaha ka dhaca bulshada, soona abaabula noocyada kale duwan ee burcad-badeednimada.

“Waan ugaarsan doonnaa kuwii dambiyadaas geystay iyo kuwa ku lug lahaa,” ayuu yiri Rakotonirina, isagoo intaas ku daray in ciidamada ammaanka la geeyay goobaha ay ka baadi goobayaan kooxdan.

Waxa uu intaa ku daray in weerarka lagu soo qaaday deegaanka uu u badan yahay mid ay “Dahlo” ugu aargudaneyso xubno ka tirsan bulshada oo xogaha u soo gudbin jiray rag ka tirsan laamaha ammaanka oo howlgalo ka dhan ah horay ugu sameeyay.