AKHRISO:- Meydadka 20 dhalinyaro ah oo hal meel laga helay

0

Booliiska dalka Koonfur Afrika ayaa isku dayaya in ay ogaadaan sida ugu yaraan labaatan dhallinyaro ah ay ugu dhinteen goob lagu caweeyo oo ku taal magaalada East London.

Masuuliyiinta caafimaadka ayaa sheegay in meydadka la geeyay goobaha meydadka lagu keydiyo oo baaritaanno lagu samayna doono.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegaysa in laga yaabo in la sumeeyay. Sawirro laga soo qaaday Tavern Enyobeni oo ah xaafadka ku taal cirifka magaalada, ayaa muujinaya maydad daadsan sagxadda iyo miisaska, oo ay ka muuqdaan calaamado dhaawac ah.

Waxaa la rumaysan yahay in dhallinyaradu ay u dabbaaldegayeen dhammaadka imtixaannada dugsiga sare.