AKHRISO:- Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka degmada Dhoobleey

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo xalay ku hoyday degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa kulan laqaatay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka degmadaas.

Madaxweynaha Jubbaland iyo odayaasha dhaqanka Dhoobley ayaa iska xogwaraystay xaalada guud ee Degmada iyo deegaanada ku xeeran iyadoo odaayasha dhaqanka ay uga mahad celiyeen Madaxweynaha dadaalada uu ku bixinayo daadajinta maamulka iyo adeegyada bulshada Degmada Dhoobley.

Sidoo kale Madaxweynaha Jubbland ayaa Odayaasha Dhaqanka degmada Dhoobleey ka dhageystay warbixino ku saabsan baahiyaha guud ee kajira degmada iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa inta uu ku sugan yahay Degmada Dhoobley sii wadi doona kulamada uu la yeelanayo qaybaha kale duwan ee bulshada ku dhaqan Degmada Dhoobley.