AKHRISO:- Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo ka hadlay qarixii ay ku waxyeeloobeen Wariyeyaasha

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaawe ayaa qadka telefoonka kula xiriiray wariyeyaashii ku dhaawacmay qarixii saakay ka dhacay duleedka magaalada Baladweyne.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa mid mid ula hadlay labada Wariye ee kala ah Khaalid Maxamuud Cusmaan (Ilkacase) iyo Cabdikariin Shabeelow waxa uu u muujiyay sida uu ula dareemaayo xanuunka dhaawacyada soogaaray.

Waxaa kale oo uu madaxweynaha amray in la soo qaado Saxafiyiinta ku dhaawacmay qaraxaasi madaama maanta lagu sii dabiibayay cusbitaalka Istarliin ee Degmada Guriceel.

Mudane Cali Cabdullahi Xuseen ayaa u balan qaaday labada Saxafi in uu si dhaw ula socan doono Xaaladooda Caafimaad oo hada soo hagaageyso, isaga oo Alle ugu baryay in rabi caafimaad deg deg ah siiyo .