AKHRISO:- RW Xamse “Annagu Bashar Baa Nahay, Madaxweynaha Waan Is Khilaafi Karnaa”

0

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa markii u horeysay ka hadlay waxa u qorsheysan haddii isaga iyo madaxweynaha uu khilaaf soo kala dhex galo sidii horeba ugu dhici jirtay madaxdii dalka.

Xamsa oo ay hore u soo wada shaqeeyeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuusan wax walaac ah ka qabin in khilaaf weyn uu soo kala dhexgalo isaga iyo madaxweynaha.

“Annagu bashar baa nahay, waan is khilaafi karnaa, aragtiyo kala duwan, waxyaabaha qaarkood waan ka muuqan karaa laakiin waxaan rajeynayaa inaysan marna gaarin in arrintaasi ay khilaaf wyen isu beddesho ama ay caqabad ku noqoto dowladnimada Soomaaliya,”

“Waxaan hubaa haddiiba ay dhacdo in aniga iyo madaxweynuhu aan heleyno farsamo aan wax ku xallisan karno iyadoo aan meelba lala aadin,” ayuu intaasi ku daray.