AKHRISO:- Madaxweynaha Jubbaland oo gaaray degmada Dhoobleey

0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeeyey.

Maamulka Degmada, Odayaal, haween, dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Degmada Dhoobley.

Madaxwryne Axmed Madoobe ayaa u kuurgeli doono xaaladda nololeed ee dadka kunool degmada Dhoobleey, isaga oo kulamo kala duwan la qaadan doona, Maamulka degmada, Saraakiisha Ciidamada & qeybaha kala duwan ee Bulshada

Golaha wasiirada ee Jubbaland ayaa 23-kii Bishaan June-2022 shirkoodii Khamiislaha ahaa ku ansixiyey in Dhoobley iyo Buurdhuubo ay kamid noqdaan Degmooyin rasmiga ah ee Maamulka Jubbaland.