AKHRISO:- Galmudug oo gacanta ku dhigtay rag ku eedeysan inay falal Amni darro geysteen

0

Taliska Ciidamada Booliska dowlad Goboleedka Galmudug qeybta ee magaalada Gaalkacyo ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallo Amniga lagu xaqiijiyay oo laga sameeyay Xaafado katirsan Magaalada Gaalkacyo, kaas oo lagu soo qabtay dad ku eedeysan inay geysteen dad amni darro.

Taliyaha Saldhiga Booliska Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug Kabtan Cali Xersi Sahal ayaa sheegay in iyaga oo ka duulaya cabasho uga timid dadka Shacabka ah ay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan 10 rag ah oo ku eedeysan dhac loo geeysanayay dadka Shacabka ah.


Wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray inay jiraan rag kale oo Ciidamada ku raad joogaan, isla markaana kuwa gacanta lagu dhigay ay ahaayeen kuwo dadka ka dhacay Mobeelo iyo Agab kale.

Wuxuu ugu baaqay dadka Shacabka ah inay ciidamada Ammaanka kala Shaqeeysaan sugida Amniga, isaga oo uga mahad celiyay sida ay cabashada ugu soo gudbiyeen Ciidamada, sidoo kalena uu sheegay inay kordhinayaan howlgallada lagu xaqiijinayo Amniga.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug oo ka kooban Waqooyi iyo Koonfur ayaa waxaa kala Maamula maamulada Galmudug iyo Puntland, waxaana mararka qaar ka dhaca dilal qorsheysan iyo qarayo ay mas’uuliyadiisa sheegtaan Ururka Al-Shabaab.