AKHRISO:- Nin Puntland isaga oo maqan dil toogasho ku xukuntay oo soo hadlay

0

Ninkaan oo lagu Magacaabo Cabdiraxmaan Shirwac Aw-siciid (Laahoor) ayaa Maxkamadda Ciidamada Puntland ku sheegtay inuu yahay hoggaamiyaha shakabad katirsan Alshabaab oo qaraxyada iyo dilalka qorshaysan ka geysan jiray Boosaaso, waxaana todobaadkan lagu xukumay dil toogasho.

Cabdiraxmaan laahoor ayaa isaga oo la hadlayay Idaacadda Voa-da ayaa sheegay in uusan wax lug ah ku lahayn dambiyada lagusoo eedeeyay, isagoo sheegay in Saddex jeer loo xiray inuu katirsan yahay Ururka AlShabab, balse wax dambi ah lagu waayay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in haatan uu ku sugan yahay tuulo la yiraahdo Jaceel oo katirsan gobolka Bari, halkaas oo ay kunool yihiin Waalidiintiisa, isla markaana inuu diyaar u yahay inuu tago magaalada Bosaso, si uu uga garbaxo dambiga loo haysto ee dilka toogasho loogu xukumay.

Afar nin oo labo maalin ka hor ay Puntland xukun dil ah ku riday ayaa sheegay inuu Laahoor yahay hoggaamiyahooda bixin jiray amarada lagu fuliyo dilalka iyo qaraxyada ka dhaca magaalada Bosaso, hayeeshee uu laahoor uu eedeyntaasi beeniyay.