AKHRISO:- laamaha Amniga oo Gacanta ku dhigay hub iyo Rag watay

0

Ururka 5aad, Guutada 16aad ee Kumaandooska DANAB iyo Ciidanka Hay’adda Sirdoonka & Nabadsugida Jubbaland, ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyey deegaanada Beerxaani, Qudus, Dharkeyn Urur, yaaq dabayl iyo Barjalla ee gobolka Jubbada hoose.

Howlgalkan oo ahaa mid ka dhan ah Al-Sbabaab ayaa saraakiisha hoggaamineysay ay sheegeen in lagu burburiyay taliskii qaraxyada ee deegaanadaas ay ku lahayeen Al-Shabaab, sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen maadooyinkii ay u isticmaalayeen sameynta qaraxyada, miinooyin isugu jira kuwa dhulka la galiyo iyo kuwa dhajiska ee lagu xiro baabuurta iyo guryaha.

SIdoo kale Saraakiisha waxaa ay sheegeen in howlgalka kudileen laba Xubnood oo katirsan Al-Shabaab, Isla markaana sidoo kale lagu qabtay Afar Xubnood oo katirsan Al-Shabaab, kuwaas oo aruurinayey lacagaha ay Al-Shabaab ugu yeeraan sakawaadka, Hub iyo Gaari ay doonayeen inay u adeegsadaan Qarax ismiidaamin ah.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa Ciidanka DANAB iyo kuwa Jubbaland waxaa ay kordhiyeen howlgallada ay ka fulinayaan degaannada Gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo mararka qaar ay weeraro ka fuliyaan Al-Shabaab.