AKHRISO:- Ciidamo gadoodsan oo la wareegay Goob Maamulka Galmudug Canshuurta ku qaado

0

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Maanta Ciidamo gadoosan oo katirsan kuwa Daraawiishta maamulka Galmudug ay la wareegeen Kastamka Canshuuraha ee Galmudug ee ku yaalla dagmada Guriceel kaas oo xiga dhinaca Dagmada Matabaan.

Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saldhig kulahaa dagmada Guriceel, waxaana gadiid dagaal iyo ciidan aad u badan ay geeeyeen kastamka ay la wareegeen.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababaha keenay Gadoodka Ciidamadan, waxaana wararka qaar ay sheegayaan inay ka cabanayaan mushaar la’aan kadib markii dhowr bilood aysan wax mushaar ah ka helin Maamulka Galmudug.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in qaar kamid ah gaadiidka xamuulka qaada ee isaga kala goosha Gobolada Dhexe ee dalka iyo muqdisho ay ku xayran yihiin Kastamka Canshuuraha ee Galmudug ee ku yaalla dagmada Guriceel.

Laamaha Amnia iyo Madaxda Sare ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaan weli ka hadlin arrintaas, hayeeshee dhowr jeer ayaa sidaan oo kale Ciidamo gadoodsan ay la wareegeen kastamyo kuyaalla degaannada Galmudug balse markii dambe la xaliyay.