AKHRISO:- Dagaalo ka dhacay Shabeellaha Hoose & khasaaro ka dhashay

0

Dagaalada oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa ay xalay Ciidamada dowladda iyo Xubno kagirsan Ururka Al-Shabaab ku dhexmareen degmada Afgooye iyo degaanka Bariire oo hoostaga degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka xoogiisa ayaa waxaa uu ka dhacay degaanka Bariire, halkaas oo ay weerareen Xubno katirsan Urutka Al-Shabaab, waxaana illo dadka degaanka ah ay sheegeen in ilaa Saddex Jeer kaliya ay xalay weerar ku qaadeen Al-Shabaab degaanka Bariire.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa xalay weeraray Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya ee ku sugan Buundada yar ee degmada Afgooye, waxaana jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo Ciidamada dowladda kasoo gaaray dagaaladaas.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa aad ugu badan dagaalada u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab wallow ay barbar socdaan howlgallo ay sameeynayaan Ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya.