AKHRISO:- Xildhibaanada Aqalka Sare oo ansixiyay xubnaha ku matalaya Guddiga Dastuurka

0

Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansaxiyay xubnaha Aqalka Sare ku matalaya Guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgalinta Dastuurka.

Xubnaha ku matalaya Aqalka Sare Guddiga dastuurka ayaa ka kooban 5 xubnood, kuwaasi oo Xildhibaanada Aqalka sare ay cod gacantaag ah ku ansixiyeen, si ay u matalaan.

Xubnaha la ansixiyay ayaa kala ah:

1: Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid)
2: Senator Iftiin Xasan Iimaan (Baasto)
3: Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)
4: Senator Saalax Axmed Jaamac
5: Senator Xasan Xuseen Xaaji.