AKHRISO:- Wararkii U Danbeeyay Qarax Lagu Weeraray Xarun Caafimaad Oo Ku Taala Duleedka Muqdisho.

0

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xooggan oo xalay ka dhacay deegaankaTabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxaas uu ka dhashay khasaare kala duwan.

Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya in qaraxa oo jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho lagu weeraray xarun ganacsi oo deegaanka ku taalo, iyadoo uu ka dhashay khasare ku kooban dhaawacyo iyo bur-bur gaaray xarunta.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in qaraxa oo ahaa Miino lagu qariyay qeybo kamid ah Farmashi ku yaala deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim, iyadoo ay ku dhaawacmeen dhowr qof oo kamid ahaa dadkii xarintaasi ganacsi ka shaqeynayay.

Saraakiil laamaha amaanka ah ayaa laga soo xigtay in qaraxan ay ka danbeeyaan kooxda Shabaab oo sida ay sheegeen maamulka Farmashigaas uu u diiday inuu bixiyo lacago fara badan oo ay ku sheegeen Zako, iyadoo aaney wax dad ah loo soo qaban falkan kadib howlgal ay sameeyeen ciidamadda amniga.