AKHRISO:- Soomaaliya oo mar kale ka qayb gashay xiritaanka munaasabadda Xuska Dhaqanka Dalalka Geeska Africa

0

Munaasabadda xuska Dhaqanka, Fanka iyo Farshaxanka Dalalka Geeska Africa oo todobaadkii lasoo dhaafay ka socotay caasimadda Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa lasoo geba-gebeeyey, waxaana si rasmi ah uga qayb galay mar kale Diblomaasiyiinta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ethiopia, iyagoo si rasmi ah u metelayay shacabka iyo Dawladda Soomaaliyeed.

Munaasabadda waxaa sidoo kale kaalin mug weyn ku lahaa kooxda Anshax Band oo kamid ah kooxaha Fanka iyo Wacyigelinta bulshada ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia, iyagoo soo bandhigay dhaqanka, farshaxanka iyo suugaanta kala duwan ee u gaarka ah bulshooyinka Soomaaliyeed.

Intii ay munaasabaddu socotay Soomaaliya waxa ay muujisay metelaad dhab ah, waxaana arrimahaas si weyn uga shaqeeyey Diblomaasiyiinta kala duwan ee Safaaradda JFS ee dalka Ethiopia, iyagoo si buuxda u kaashanaya jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa mudadii ay munaasabaddu socotay waxay muujiyeen dedaal dhab ah oo salka ku haya adkaynta iyo muujinta dhaqanka, fanka iyo farshaxanka gaarka u ah Soomaaliya, waxayna kor u qaadeen awoodda ay leedahay Qaranimada Soomaaliya.

Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Ethiopia Mudane Cali Maxamed Xuseen Atam oo Warbaahinta Qaranka u sheegay in natiijo wanaagsan ay Soomaliya ka dhaxashay ka qayb galka Munaasabadda Xuska Dhaqanka, Fanka iyo Farshaxanka Dalalka Geeska Africa oo lagu soo afmeeray caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa.

Ka qayb galka Soomaaliya ee munaasabadan ayaa fasiraad rasmi ah ka bixinaysa dedaalka ay madaxda kala duwan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya gelinayaan sidii kor loogu qaadi lahaa sumcadda iyo awoodda Qarankeennu ku leeyahay Africa iyo caalamka intiisa kale.